Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Gudi U Saartay Baadhitaanka Dilkii Taliyaha Ciidank Gorgor

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Guddi u saarto dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Suleman Abiikar, ayaa waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku dilay Ilaalada Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Ilaalada Hotelka rasaas ku furay Gaari uu watay Taliyaha oo ka yimid dhinaca waddada Ex Baar Shabeelle,waxaana uu ku dhintay rasaastii ay ku fureen.

Waxaa la dhintay Askari Ilaaladiisa ahaa oo la socday lana saarnaa Gaadhiga uu Taliyuhu watay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in dhammaan la xidhay Ciidankii ku sugnaa Kontoroolka uu falku ka dhacay, isla markaana hadda ay ku socdaan baadhitaano ku saabsan qaabkii uu shilku u dhacay.

Sarkaalka xalay lagu dilay Muqdisho ayaa ka mid ahaa Kumaandoosta Soomaaliya,waxaa uu ku tababartay Dalka Turkiga,sidoo kale waxaa uu heystay darajada 1aad ee Waxbarashada sare.

Waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay howlgalkii Ciidamada AL-shabaab looga saaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose 7dii Bishii August ee sanadkan.

Saraakiisha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaarinayaan guddi baaritaan ku sameeya dalka ilaalada Hotelka Naasahablood laba ay u geysteen Taliyihii Ciidanka Gorgor.

Hotelkan ayaa waxaa iska leh Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

isbitaal Mudo Yar Ka Hore La Howlgaliyay Oo U Adeega 37kun Oo Qof

Mustafehaji

“Jabuuti Somaliland Waxay La Doonaysaa Samali Wayn” Xisbiga Ucid Oo Ku Dhegay Dawlada Jabuuti

Mustafehaji

Khasaare Intee La Eg Ayaa Soo Gaaray Dadka Reer Balad Wayne Ee Fatahaada Samaysay

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy