Heshiis Laga Gaadhay Colaada U Dhaxaysa Somalida Iyo Canfarta Kuwada Nool Dalka Itoobiya Iyo Qodobo Laga Soo Saaray

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen labada madaxweyne ee dowlad deegaanada Soomaalida iyo Canfarta dalka Itoobiya ayay ka sheegeen in lagu heshiiyay in ay lala shaqeeyo ciidamada dowladda federaalka si masuuliyadi ku jirtana ay uga wada shaqeeyaan ismaamuladu sidii xal waara loo gaari lahaa colaadda, iyado ugu danbayn sharciga lagu kala bixi doono.

Sidoo kale kulan seddax geesood ah oo shalay labada madaxweyne iyo ay Xafiiska kula yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed ayaa laga soo saaray qodobada lagu heshiiyay, kuwaas oo ka koobnaa ilaa todoba qodob oo kala ah:

1) In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo.

2) In dadka hubaysan laga kala fogeeyo aaggaas.

3) In ay khalad wayn oo qaranimada Itoobiya meel uga dhacay ay ku kaceen ismaamulka Canfarta markay warar ku tiri ku teen ah ay ku baahiyeen saxaafada dalka.

4) In Degaamaynta cusub ee is-maamulada qaar ay wadaan ay joojiyaan

5) In saxaafada lagu daba galo faafinta wararka beenta ah isla markaana talaabadooda ku haboon laga qaado.

6) In Ciidamada militeriga ay ilaaliyaan amniga iyo nabad qabka shacabka iyo xoolahooda.

7) In Canfartu ay soo celiso xoolaha ay ka dhacday shacabka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qarax Xoogan Oo Ka Dhaca Magaalo Ku Taalada Xuduudka Suuriya Iyo Turkiga Iyo Dad Badan Oo Ku Dhintay

Bnnstaff

Xogta Dahsoon: Sirta Ka Dambaysay Dilkii Ilaaliyihii Gaarka Ahaa Ee Boqorka Dalka Sucuudiga

Mustafehaji

Maydka Nin Gubtay Oo Aan La Aqoonsan Oo Laga Helay Badhtamaha Seeraha Borama Iyo Baadhitaano Socda

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy