Muwaadin Somaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Jarmalka Iyo Faahfaahin Ku Saabsan Dilkaasi

Meydka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga helay magaaladda Plauen ee gobolka Sachsen ee wadanka Jarmalka,waxaana uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray tooreey lagu dhuftay.

Booliska Jarmalka ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilka Soomaaliyeed oo ay tuhuhsan yihiin in uu ka dambeeyo dilkiisa Shaqsi kale oo Soomaali ah.

Sidoo kale dad yaqaanay wiilka la dilay ayaa iyana waxaa ay sheegeen in dilkiisa uu ka dambeeyey wiil kale oo saaxiibo ay ahaayeen,isla markaana inta badan ay wada socon jireen.

Weli lama shaacin Magaca Wiilka Soomaaliyeed ee Jarmalka lagu dilay iyo Shaqsiga ka dambeeyey dilkiisa,hayeeshee Booliska dalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan qofkii ka dambeeyey.

Si kastaba inta badan Soomaalida ku nool qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa waxaa ay la kulmaan dilal joogto ah,waxana dilalkii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dalalka Ingiriiska Jarmalka iyo koonfur Afrika.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maayirka Magaalada Burco Oo Qaylo Dhaan Ka Soo Saaray Ayax Ku Habsaday Deegaanada Gobolka Togdheer

Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Muquurtay Ansixinta Wasiirka Warfaafinta iyo Xildhibaano Loo Ganaaxay Sababya

Mustafehaji

LONDON: Abdirahman Abdishakur U Jawaabay Madaxweyne Farmaajo Weerarna ku qaaday Fahad Yaasiin

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy