Askar Ka Tirsan Ciidamada Xooga Dalka Oo La Laayahay Ka Dib Markii Ay La Degtay Doon Ay Saarnaayeen

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo hubkii ay wateen la la’yahay, kadib markii ay la degtay doon ay wateen.

Askartaan oo ka tagtay Magalada Muqdisho kuna wajahneyd Magalada Marka ayaa waxaa la socday Taliyaha ururka Ciidanka 14 Oktoobar,waxaana ay kula rogmatay meel dhanka bari kaga beegan ee Xeebta Magaalada Marka.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in Askartaas ay doonayeen inay socdaal dhinaca Badda ah ku gaaraan Magalada Marka,hayeeshee doonta ay la rogmatay,isla markaana la soo badbaadiyey taliyaha Ciidamada oo lagu Magacaabo Xidigle Cismaan Muuse iyo 12 askari halka la la’yahay 5 askari oo kale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dhacdadaan oo xalay dhacday iyo ilaa Maanta uu socdo dadaalo lagu baadi goobayo askarta la la’yahay iyo hubkii ay wateen,waxaana askarta maqan qaarkood Magacyadooda lagu sheegay Cabdi Muxudiin iyo mid magaciisa lagu koobay Fiyuus.

Magaalada Marka ee Gobolka Sh/ Hoose ayaa waxaa mudooyinkii u dambeeysay ay go’doon ugu jirtaa Ururka Al-Shabaab,waxaana jirin gaadiid Magaaladaasi galaya taas oo keentay in askarta Ciidamada Dowladda ay doon ku tagaan Magaalada Marka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Gaboose Muqdisho Ha Tago ” Wasiir Hore Cadaani

Mustafehaji

FBI-da Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday Shaqsigii Ka Dambeeyay Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

Bnnstaff

Dagaal Khasaare Gaystay Oo Dhacay Magaalada Boosaaso Ee Xatunta Gobolka Bari

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy