Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska Somaliya Oo Dirawal Bajaajlle Ah Ku Toogtay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa goor dhaw Isgoyska Ex Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Askarigii dilka u geystay marxuumka ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen askartii kale ee kula sugneed Barta koontorool ee Ex Koontorool Afgooye.

Ruux goobjoog ahaa markii uu dilku oo u waramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in askarigu uu darawalka Mootada waday ku amray in uu istaago, balse uu ka dhega adeygay taas oo sababtay in uu askarigu xabad ku dhifto marxuumka oo isla goobta ku geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal ay askar ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u geysteen wadayaal mooto Bajaaj, kuwaas oo intooda badan aan lasoo taagin cadaaladda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Axmed Madoobe Oo Looga Yeedhay Magaalada Adis Ababa Iyo Dawlada Fadaraalka Oo Qorshaynaysa In Ay Ka Aarsato Aadan Bare Ducaale

Bnnstaff

Borama:- Jaamacada Camuud Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Ardayda Bilaabaysa Waxbarashada Heerka Labaad

Bnnstaff

Somaliland Bay Ceeb Ku Tahay In Xildhibaano Iyo Rag Kale Ka Dhex Caayaan Jabuuti” Xildhibaan Abiib

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy