Madaxwayne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Ruuska Iyo Qaabka Loogu Soo Dhaweeyay

-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Sochi ee dalka Ruushka halkaas oo maalinta barri ah uu ka furmayo Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika.

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka .

Related posts

Axmed Madoobe “Hannaanka siyaasada loo dhan yahay dalka kama jirto, wixii ka soo baxay Shirkii…”

Mustafehaji

Qof Rabo In Uu Madaxweyne Noqdo In Uu Yidhaahdo Ceelasha Biyaha Ayaa Noo Banaan” C.laahi Sheikh Xasan Oo Karbaashay Madasha Mucaaridka

Bnnstaff

Deg Deg: Muuse Biixi Oo Saka Dhagax Dhigay Xarun Lagu Kaydin Doona Taariikhda Somaliland

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy