Baaq Nabadeed Beelaha Walaalaha ah, Ciise iyo Gurgure ee ku Dagaallamaya

Ururka Midnimada Direed (UMD) oo ah urur ay ku mideysanyihiin Ugaasyo, Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo waxgarad farabadan oo rag iyo dumarba leh, wuxu halkan uga dirayaa Baaq Nabadeed beelaha walaalaha ah, Ciise iyo Gurgure ee ku dagaallamaya degaanka Erer ee dalka Ethiopia.
Waxan leennahay waa kaa dhimay oo kugu dhimay, cidna guul iyo farxad kama dhaxleyso. Haddaan nahay UMD aad bey innoo damqeyaa ugana murugeysan nahay colaaddaas dhexdiinna ah.
Joojiya dagaalka shuruud la`aan. Wixii khilaaf ah fadhi iyo wadahadal ayaa lagu xallinayaa.
Ma aha in aad idinku isku jabtaan, cadawguna idinku wiirsado oo aad ka farxisaan. Waxa aad tihiin walaalo meel wada yaal, Diin iyo dhalasho wadaaga oo ay tahay in aad gacmaha is qabsataan una midowdaan cadawgiinna iyo shisheeyaha.
Ugu dambeyn waxan idinka codsaneynaa in aad u dhagonuglaataan baaqeennaas, xusuusataanna cabsida Allah swt.
Wabillaahi Tawfiiq.

27.10.2019
Guddoomiyaha Ururka Midnimada Direed
Ibraahim Cali Aaden

Related posts

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Soo Bandhigay Liiska Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Uu Ku Jiro Xubinta Muuse Biixi U Magacaabay Koomishanka

Bnnstaff

Waraysi Xiiso Leh Siyaasi Geel Jire Oo Banaanka Soo Dhigay Sobobtii Uu Ugu Biiray Xisbiga Wadani Iyo Arimo Kale Oo Uu Ka Hadlay

Mustafehaji

Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Duqaymo Uu Ka Fuliyay Gudaha Somaliya

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy