Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Si Kulul Ugu Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Xaraunta Baarlamaanka Ee Garoowe

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daarood ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Garoowe oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ciidamo amar ka heystay madaxtooyada Puntland ay weerar ku qaadeen xarunta baarlamanka balse iska caabin ay kala kulmeen ciidankii ilaalada ka ahaa Xarunta.

Dhowr qof oo uu ku jiray ganacsade xarun ganacsi ku lahaa goobtaas ayaa ku geeriyooday, iska horimaadka Xalay Fiidkii ka dhacay magaalada Garoowe, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, Wuxuuna Gudoomiye Dhoobo daareed ku eedeeyey madaxtooyada Puntland iney weerar qaawan ku soo qaaday xarunta golaha wakiilada, ayna qaadi doonto masuuliyada wixii dhibaato ah ee ka yimaada.

ALLAA MAHAD LEH

Anigoo ku hadlayaa magaceyga iyo magaca Golaha Shacabka e Dowlada puntland waxaan Dhamaan shacabweynaha Soomaaliyeed iyo kan Puntlandba uga tacsiyeynayaa dhibaatada caawa ka dhacdey Xarunta Golaha Baarlamaanka dowlada puntland, ka dib markii xukuumadu weerar qaawan oo xaqdaraa ku soo qaadey xarunta Golaha kaasoo galaaftey nolosha dad rayid iyo askarba leh.

Madaxtooyada ayaa ciidankii loogu talo galey inay u adeegaan bulshadooda u adeegsatey iney ku weerarto kuna leyso, taasi ayaa muujineysa in madaxtooyadu ka shaqayneyso Sharaf daro soo gaarta sumcada iyo sharafta dowlada Puntland, iyadoo weerarkani muujinayo abaabul balaaran oo lagu afduubayo hanaanka wanaagsan ee uu shaqeynayo baarlamanka dowlada puntland lana Doonayo sidii xoog gacanta Loogu dhigi lahaa xarunta uu ku shaqeeyo si looga dhigto meel wixii la rabo laga samaysan karo.

Ugu dambeyn waxaan Dadweynaha reer puntland u cadeynayaa in weerarkii caawa lagu soo qaadey xarunta baarlamaanka uu yahay dhaawac weyn oo soo gaarey Hab maamuuska caasimada iyo sharafkeediiba ayna mas uuliyada dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacneyba qaadanayaan cida ku tala gashey in xarunta Golaha ka sameyso rabshadaas amni soona handadey ilaaladii xarunta laheydna sababta khasaarahaas lixaadka leh.

Wabilaahi Towfiiq.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Hooyo Somaliyeed Oo Si Cajiib Ah Ula Hadashay Madaxda Somalida Iyo Shacabka Gobolka Hiiraan

Bnnstaff

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Oo Sheegay In Ay Xukuumada La Wareegtay Shaqadii Baarlamaanka

Bnnstaff

Aas Aasihii Jabhada Uu Hogaamiyo Kornayl Caare Oo Muuse Biixi Ka Hor Qirtay Aas Aaskii Jabhadaasi Daawo Waxa Dhacay

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy