Hawlgalo Dad Lagu Soo Qabqabtay Oo Laga Sameeyay Degmad Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay waxaa ay xaafado katirsan degmadaas ka sameeyeen howlgal dad farabadan lagu qabqabtay.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyey,kadib markii hoygiisa bambaano lagu weeraray Guddoomiye kuxigeenkii Arrimaha Bulshada Shabeellaha hoose Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey”,isla markaana uu u geeriyooday dhaawac kazoo gaaray bamkii lagu weeraray.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa la sheegay in ay ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Afgooye.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Afgooye ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay baaritaano kala duwan laga sameeyey,isla markaana la kala saaray welina baaritaanada ay socdaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Goobaha Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u socdaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Deni iyo Gudoomiyaha Cusub Baarmaanka Puntland Doorteen Oo Kulmay

Mustafehaji

“Ma Nimankii Garxajis Ee Laabta Garaaci Jirey Ayaa Maanta Wax Baryaya” Suldaan C/raxman Good

Mustafehaji

Dad Ka Badan 400 Oo Lagu Xidhay Magaalada jawhar iyo Banaanbaxyo Ka Dhashay Xadhiga Shacbkaasi

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy