Dad Shacab Ah Oo Arin Yaab Leh Loogu Laayay Gudaha Magaalada Muqdisho Iyo Tirada Dadka Dhintay

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Xalay Fiidkii waxay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku toogteen dad Shacab ahaa oo fadhiyay Maqaaxi lagu Caweeyo, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Saddex qof ayaa halkaasi ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen Shan qof oo kale, waxaana weerarkan geystay rag ku hubeysan qori AK-47 ah oo watay gaadhi yar oo nooca raaxada ah.

Ehelada dadka xalay la dilay qaarkood ayaa sheegay iney falkan ay tuhunsan yihiin in loogu aar gudayey oday habeen kahor lagu dilay degmadaas, sidoo kalena lagu dhaawacay wiil uu dhalay iyo Haweeney kale.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado kadib gaadhay goobta uu weerarkan ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo baadhitaana ah, Inkastoo aaney jirin wax natiija ah oo ka soo baxday falkan dadka Shacabka ahaa lagu laayay.

Degmada Kaxda oo kamid ah degmooyinka ugu nabdoon Caasimadda ayaa todobaadyadii u danbeysay galeysa waji cusub, iyadoo ay soo badanayaan weerarada salka ku haya aanooyinka qabiilka, mana jirto wax talaabo ah oo ay arintan ku baajinayaan maamulka degmada Kaxda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

WAR DEG DEG AH: Jabhada Ka Dilaacday Dila Oo Cududeeda Soo Bandhigay iyo Fariintooda …

Mustafehaji

Ganacsatada Saylada Xoolaha Ee Borama Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Cashuuro Ay Sheegeen In Ay Dawlada Hoose Ku Kordhisay

Bnnstaff

Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Iraan Iyo Dad Ku Dhintay Dhul Gariirkaasi

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy