Dawladaha Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Heshiis Hor Dhac Ah Ka Gaadhay Muranka Cashuuraha Ee Kala Dhexeeyay Labada Dhinac

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay in ay Shiinaha iyo Mareykanka isku raaceen dib u dhigidda qeyb ka mid ah canshuurihii dheeraadka ahaa ee labada dalba uu midba midka kale ku soo rago alaabaha ay isku soo dhoofiyaan.

Afhayeen u hadlay wasaaraddaasi, Gao Feng ayaa shir jaraa’id ka sheegey in haddii wada xaajoodyayasha labada dhinac ay isku raacaan inay heshiis gaaraan, ay labada dal ee Mareykanka iyo Shiinuhuba yareyn doono si isku mid ah oo isku waqti ah canshuurta la saaro alaabaha ay isku soo dhoofiyaan.

Labaa dal ayaa dhowr jeer oo hore isku soo rogey canshuuraad dheeraad ah oo la saarayo alaabo ku kacaya balaayiin dollar.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

ilmo Galeen Macmala Ama Gacan Ku Sameys Ah Oo Lagu Badbaadinayo Caruurta Dhiciska Ku Dhalata

Mustafehaji

Sideed Wasiir oo Ka Tirsan Dowlad Deegaanka Somalida oo Ku Sugan Sweden Iyo Sababta ay u Joogaan

Mustafehaji

Wasiir Boos ” Xisbi Fashilmay Oo Reer Dabada Galinaya Weeyi WADANI ..

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy