Xildhibaan Shaaciyay In Madxwayne Farmaajo Uu Uga Baxay Balan Uu u Qaaday Iyo Nuuca Balantaasi

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir aysan wax xaquuq ah ka heysan dowladda Federaalka,isla markaana dowladda ay u sameyn la’dahay Maamul u gaar ah.

Waxaa uu sheegay in xilligii doorashada uu Madaxweyne Farmaajo u balan qaaday in Maamul gaar ah uu u sameyn doono Muqdisho,hayeeshee uusan fulin balantaas,waxaana uu ugu baaqay in uu madaxweynaha uu fuliyo balantii uusameeyey.

“Madaxweynaha Xildhibaano kasoo jeeda Muqdisho ayuu yiri I doorta Banaadir State ayaan ku dhawaaqayaa laakin ma fulin,marka in dadka muqdisho laga dabageeyo ma fiicno lana yiraahdo dowladnimada dhowra wixii kasoo baxana anagaa leh ayuu yiri ” Xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Muqdisho aan lagu kalifin inay dhib ka Shaqeeyaan oo ay u guuraan Ceelasha Biya ee xaquuqdooda haka helaan dowladda oo hala siiyo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Anna Waxaan Balan Ku Qaadnay Inaan Xisbi Hartiya Furano” Xildhibaan Cadhooday

Mustafehaji

WARAYSI XIISO LEH: Madaxweyne Cagjar Oo Arrimo Xaasasi Ah Ka Hadlay ” Hadaad Tidhaah Dir Baa Shiraysa …

Mustafehaji

Masar Oo Soo Iibsatay Hub Culus Oo Ay Qorshaynayso In Ay Ku Burubiriso Biyo Xidheenka Wayn Ee Wabiga Nile Ee Dalka Itoobiya

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy