Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed Oo Hawlgali Ka Bilaabay Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta howlgallo kala duwan ka wadaan deegaano katirsan Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ka dhaceen qaraxyo iyo dagaalo.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan deegaano ku dhow dhow deegaanka Muuri ee duleedka magaalada Marka ee Sh/Hoose,halkaas oo qaraxyo iyo dagaal toos ah lagula eegtay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkayo deegaanka Muuri iyo deegaannada u dhow dhow,sidoo kalena halkaasi laga dareemayo dagaalkii ka dhacay.

Ilaa iyo hadda majirto dad lagu soo qabtay howlgalkaas,waxaana saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ay sheegeen in howlgalka ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta amniga ay ka xaqiijinayaan.

Deegaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaco qaraxyo lala eegto Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM iyo dagaalo toos ah oo mas’uuliyadiisa ay sheegtaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg: Dagaal Beeleed Mar Kale Dib Uga Qaraxay Gobolka Mudug

Bnn Staff

Kenya Oo Shaacisay In Ay Wax Ka Bedel Ku Samaynayso Anmiga Magaalooyinka Xuduudaha

Bnn Staff

Xasan Sheekh , Sheekh Shariif Abdirahman Abdishakur Shariif sakiin Gaarey Kismaayo

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy