Komishaneer Cabdirashiid Riyo-raac oo muran badani ka taagnaa ka mid noqoshadiisa Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta helay codka kalsoonida ee Goloha Wakiilada Somaliland.
Codeyntii waxay u dhacday
50 Xildhibbaan baa oggolaaday
13 Xildhibbaan baa diiday
Hal Xildhibbaana wuu ka aamusa
Inj.Cabdirashiid, ayaa ka mid ahaa laba xubnood oo Xisbiga WADDANI ka soo hor-jeestay soo xulistoodii loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka, waxaana ay taasi sababtay in xubintii WADDANI soo magacaabay uu dib u la noqdo.
Xubnaha saaka codka loo qaaday ayaa ah Lix xubnood, waxaana halkaas ka maqnayd xubintii WADDANI u meteli lahayd Komishanka Doorashooyinka.