Madaxwayne Dhawaan La Doortay Oo Walaalkii Raysal Wasaare U magacaabay

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isul wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabanay iyada oo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadi toddobaadki hore dalkaasi ka dhcday.

Afhayeen xukumadda cusub u hadlay wuxuu sheegay Mahinda oo laba wareeg oo hore madaxweyne soo noqday ayaa isaga laftiisa walaalkii ka yar u dhaarinaya Ra’isal wasaaranimo.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalki sokeeya oo ku dhawaad 20 sano ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sano ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada Timil

Eedeymo badan oo la xidhiidha dambiyo dagaal ayaa ciidamada dalkaasi loo soo jeedinayey tani iyo marka uu dhammaaday dagaalki sokeeye.

Madaxweynaha cusub ee loo doortay Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isal wasaaraha dalkaasi.

Mahinda ayaana sida oo kale la filayaa Khamiista in xilka Ra’isal wasaaranimada

Doorashada madaxtinimada ee ka dhacday dalka Sri Lanka waxaa u tartamay ilaa 35 musharax waana doorashadii Saddexaad tan iyo 2009-kii markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo tobanaan sano ah.

Aminga guud ee dalka ayaa la sheegayaa inay tahay arrinta ugu weyn ee ay daneynayaan, hase yeeshee sinnaanta dadka laga tirada badan yahay iyo shaqa la’aanta ayaa iyagana waxay ka dhex guuxeysaa Maskaxda codbixiyeyaasha.

Mr Rajapaksa waxa uu sheegay inuu soo celinayo xiriirka shinaha iyo Sri lanka

Dalka Sri Lanka waa JAmhuuriyad Sguuci ah oo ay ku taalla jasiirad dhacdo Koonfurta Aasiya oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 6 malyan oo qof.

Related posts

Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqyada Oromada Jawaar Maxamed Oo Taageerayaashiisa Ugu Baaqay In Dejiyaan Xaalada

Bnnstaff

”Shacabka Iyo Dawlada Somaliyeed Waxay Germany Ka Baranayaan Sida Qaran Loo Mideeyo,, Raysal Wasaare Khyre

Bnnstaff

Goobta Saldhig U Noqon Doonta Ciidamada Bada Ee Dalka Itoobiya Oo La Ogaaday Iyo Halka Ay Tahay

Bnn Staff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy