Dawladda Qatar Oo Dib U Dhisatay Machadkii Diblumaasiyadda Somalia Ee Dagaaladii Ku Burburay

Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka oo dib loo dhisay, ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho Munaasibad Xadhiga looga Jarayo loogu Qabto.

Mac-hadkan oo ay diblomaasiyadda ku baranayaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa qarashka dib u dhiska loogu sameeyay bixisay Dowladda Qadar.

Munaasibadda xadhig jarka Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka ayaa waxaa ay dhaceysaa maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 2da Bisha December.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda dowladda Qadar ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasibadda xarig jarka Mac-hadka diblomaasiyadda qaranka ee dib u dhiska lagu sameeyay.

Diblomaasiyiinta Soomaalida ah ee da’yarta ah ayaa hadda koorsooyinka diblomaasiyadeed dibadaha ku soo qaata, iyada oo howlahaasi la filayo in Mac-hadkan uu qabto marka xarigga laga jaro maalinta berri ah.

Mac-hadkan ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1986dii,waxaana uu ka mid ahaa macaahiddii ay wax ku baran jireen diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa saameeyay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay,waxaana dib u dayactirkiisu muhiim u yahay barashada diblomaasiyadda.

Related posts

Dawlada Somaliya Oo Diyaarinaysa Ciidamado Iskugu Jira Turki Iyo Eritrean Oo U Bedeli Doona Ciidamada Amisom

Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Dacwad Ka Dhan Ah Muuse Biixi U Gudbiyay Dawlada Sweden

Bnn Staff

Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiiro Ka Socda Midawga Yurub Oo Hargaysa Soo Gaadhay Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy