Ex Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Doorashada Maamulka Galmudug

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrinta maamul u sameynta ee Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn ka digay dhibaato hor leh oo ka dhalata ciidamada kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku daabuleyso gudaha magaalada Dhuusamareeb .

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii aan si fiican loo mareyn arrinta Galmudug ay dhici karto Khatar xoog leh oo ka daran tii Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay. “Walaahi Galmudug, haddii aan si fiican loo maareyn qatar xoog leh oo tii Koonfur Gaalbeed ka daran ayaa ka soo socota oo ah in la’is dilo.” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Dhinaca kale wuxuu Madaxweynihii hore ee dalka ka hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaas oo saameeyey xidhiidhka labada dhinac.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in aysan sidii la rabay u maamulin nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, islamarkaana ay dib u dhigtay.

“Sida nidaamka federaaliisamka ee Dastuurka Soomaaliyeed uu qorayo oo Ummadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay ee aan annagu u dareenay in la dhaqan galiyo ee aan wax ka bilownay ee meel aan soo gaarsiinay aniga ra’yigeyga waxaa waaye dowladdaan sidii la rabay uma maamulin, sii ma hor marinin sii ma qurxinin bal dib ayey u dhigtay.” ayuu yidhi .

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu meel adag marayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo Qaar kamid ah maamul goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.

Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta laga Dareemayaa Qorshe mar kale dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka ka dhashay habka ay dowladdu maamuleyso dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay, Iyadoo Ahlusunah ay doonayso inay saamayn ku yeelato Xildhibaanada Cusub ee Galmudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

FBI-da Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday Shaqsigii Ka Dambeeyay Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

Bnnstaff

Odayaasha Iyo Waxqaradaka Degmada Ceel Afwayn Oo Nabadaydta Ceel Afwayn Ku Dhaliilay Xukuumada Muuse Biixi

Bnnstaff

Anaga Faalku Nama Qabbto ” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Markale Si Kulul Weeray Jabuuti

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy