Hawlihii Doorashooyinka Maamul U Samaynta Galmudug Oo La Hakiyay Iyo Sobobta Hakiyay

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlaha doorashada Galmudug ee ka socday Magaaladaas.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay,kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Go’aamisay in wada-hadal lala furo hoggaanka Ahlusunna oo haatan saluugsan sida ay dowladda federaalka u wajaheyso dhismaha Maamulka Galmudug.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ahna xiriiriyaha dowladda ee Arrimaha Galmudug sidoo kalena uu dhalay hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna ee Macalin Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago Magaalada Dhuusamareeb.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in maalmaha soo socda dib loo bilaabi doono wada-hadallada si Ahlusunna looga qanciyo tabashada ay ka qabto sida lagu wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa dhowr jeer waxaa ay gaareen heshiis ku saabsan dhismaha Galmudug,hayeeshee Ahlusunna ay sheegtay in dowladda aysan fulin heshiisyadaas,waxaana jira hjaatan khilaaf u dhaxeeya hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda federaalka.

Waxyaabaha ugu weyn ee dowladda iyo Ahlusunna ay isku khilaafsan yihiin ayaa waxaa kamid ah in hoggaanka Ahlusunna ay doonayaan in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo 35 Xubnood,balse Dowladda Soomaaliya ay u cuntami weysay,waxaana Warar soo baxaya ay sheegeen in Dowladda ay dooneyso in Ahlusunna Baarlamaanka laga siiyo 15 Xubnood.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynaha Maraykanka Oo Soo Bandhigay Hordhaca Hishiis Ay Gaadheen Dalalka Masar,Itoobiya Iyo Suudaan Iyo Waxa Uu Ku Saabsanyahay

Bnnstaff

Abdirahman Abdishakur Oo Taageera yaashiisha U Jeediyay Hadal Dhinacyo Badan Taabanaysa

Mustafehaji

Qaarada Africa Oo Markii Ugu Horaysay Laga Hirgaliyay Shirkad Samaynaysa Telefanada smartphone-ka Iyo Dalka Ay Ku Taalo

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy