Dad Gaadhay 14 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Kaniisada Ku Taalada Dalka Burkina Faso

Ugu yaraan 14 qof ayaa maalintii Axadda ahayd lagu dilay Burkina Faso , kaddib markii ay rag hubaysan ay xabado ku fureen dad ku cibaadaysanayay kaniisad.

Bayaan ay soo saartay dawlada ayaa lagu xusay in dad badan ay sidoo kale ku dhaawacmeen, bale weli lama xaqiijinin sababta ay raggaasi u bartilmaamsadeen Kaniisadda.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dalka sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo badanaa weeraro ay dad xagjir ah ay soo qaadeen.

Bishii October, ayaa weerar masaajid lagu qaaday waxa ku dhintay dad gaaraya 15 qof.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Siciid Deni Oo Gaadhay Magaalada Kismaayo Iyo Qaabka Loogu Soo Dhaweeyay

Bnnstaff

Kulamo lagu Xalinaayo dagaalka Gobolka Mudug oo Bilaawday

Mustafehaji

Gudoomiye Cirro iyo Taageerayaasha xisbiga oo Falay Xarunta Xisbiga

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy