Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Heshiis Ganacsi La Gashay Dawlada Suudaan+ SAWIRO

Danjiraha Safaarada Soomaaliya Dalka Sudan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa waxaa uu Xarunta Safaarada kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Warshaddaha iyo Ganacsiga Dalka Sudan. H.E Maddani Cabaas.

Kulanka oo ay ku wehliyeen howl wadeeno ka tirsan Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii dib loogu nooleeyn lahaa xiriir ganacsi iyo mid iskaashi ee dhex mara labada dal,kaas oo jiray inta uusan Soomaaliya burburka ka dhicin.

Sidoo kale kulanka waxaa laysku soo hadal qaaday inay ganacstada Soomaaliyeed si gaar ah loogala macaamilo arrimahooda ganacsi ay ku leeyihiin dalka sudan,sida uu sheegay Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Waxaana dhawaan la rajeynayaa kulan Ganacsi inuu dhex maro labada Wasaaradood, iyo labada Rug Ganacsi iyo ganacsato labada dhan kasoo loogu magac daray.(ISBUUCA GANACSIGA SOOMAALIYA).

Related posts

Puntland Oo Digniin Ka Soo Saartay Roobab Dabaylo Wato Oo La Sheegay In Ay Soo Waajahayihiin Xeebaha Somaliya

Bnn Staff

Kormeer Iyo Qiimayn Lagu Sameeyay Dugsiga Hoose Dhexe Sheekh Xasan Taani Ee Deegaanka Qabri Dhaaweed Ee Degmada Dila

Bnnstaff

Xogta Dahsoon:- Dagaalka Gacansi Ee Ka Dhex Aloosan Dalalka Shiinaha Iyo Maraykanka Oo Sii Xoogaysanaya

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy