Jabhada Kornay Caare Oo Weerar Ku Qaaday SaldhigavAy Leeyihiin Ciidamada Somaliland Iyo Wararka Ugu Dambeeyay

Ciidamo Hubaysan oo ka tirsan Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa xalay weeraray saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay dhinacyadii dagaalamay.

Dadka degaanka ayaa sheegay iney xalay saqdii dhexe maqlayeen rasaas culus oo ka dhaceysa aaga saldhiga Booliska degmada, iyagoo intaas ku daray iney cabsi iyo argagax dareemayeen.

Sida ay wararku sheegayaan dablayada ka tirsan jabhada Kornayl Caarre ayaa markii ay fuliyeen weerarka ay ku qaadeen saldhiga booliska ee Ceerigaabo waxay ku guulaysteen inay ka baxsadaan goobta, Iyagoo dib ugu laabtay saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Dhinaca kale xukuumada Somaliland  ilaa hada kama hadal khasaaraha soo gaadhay ciidamada booliska ee lagu weeraray saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo.

Mudooyinkii dambe waxaa socday Waan-waan laga dhexwaday Xukuumadda iyo Jabhada Kornayl Caarre, Balse Muuse Biixi ayaa ku adkaystay inuU Cafis u fidnayo Ciidamada Marka laga reebo Kornayl Caarre oo Hogaamiya, taasi oo Caqabad ku noqotay In xal rasmiya la gaadho.

Related posts

Haile G/selassie: Rabshadihii Itoobiya Waxaa Ka Dambeeyay Warar Been Abuur Ah Oo Lagu Baahiyay Facebook

Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Hadalo Isburinaya Ka Sooo Saartay Duufaan La Sheegay In Ay Ku Soo Foolleedahy Deegaanada Xeebaha

Bnnstaff

Sheekh Cabdi Xayi U Jawaabay Sheekh Shariif ” Fadmo Lama Kiciyo Hadii

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy