Maamulka Puntland Oo Mar Kale Xabsiga U Taxaabay Siyaasi Caan Ah Oo Dhaliilo U Jeediyay Xukuumada Puntland

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay shegayaan in Ciidamada Amniga gobolka Bari ay Xabsiga dhigeen Siyaasiga Dr. Muuse Cali Jaamac oo horay mar Puntland u xirtay.

Siyaasiga iyo Odayaal kale ayaa Jimciii la soo dhaafay waxaa ay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu hoggaamiyo,waxaana xalay uu ku hoyday Xabsiga Magaalada Boosaaso,sida ay i noo xaqiijiyeen dad ku sugan Boosaaso.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac waa markii labaad oo ay xiraan Ciidamada Amniga gobolka Bari,waxaana 13 October ee sannadkan sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, hayeeshee saddex Cisho kadib lagu sii daayey cafis-maxkamadeed.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee Xabsiga la dhigay ayaa waxaa ay xukuumadda Madaxweyne Deni ku eedeeyeen in shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ayax Ku Habsaday Deegaanada Galmudug Iyo Shacabka Oo Siyaabo Kala Duwan Ula Tacaalaya

Bnn Staff

Shaqooyinka Ugu Halista Badan Ee Ay Dadku Qabtaan , Ma Jeclaan Lahayd In Aa Qabato Shaqadan Oo Kale?

Bnnstaff

General Cashuur Oo Fariin U Diray Somaliland “Warsangali Israacye Ka Quusta”

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy