Puntland Hawl Gal Laga Sameeyay Magaalada Boosaaso Ku Soo Qabtay Hub Iyo Dadkii Watay

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka Sameeyeen xalay Magalada Boosaaso waxaa ay ku soo qabteen Hub Sharcidaro ah iyo dadkii watay,waxaana howlgalka hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka iyo Saraakiil Kale.

Howlgalkaan oo laga sameeyay bartamaha Magalada Bosaaso ayay Ciidamada Booliska waxaa ay Gaadiidka ka fiiqayeen Bacaha Madow oo Puntland au horay uga mamnuucday deegaanadeeda,waxaana la sheegay in howlgalka ay ku qabteen Gadiid ay Booliska ku raad joogeen.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/S Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada Booliska uga digay inay Gudaha Magaalada Boosaaso hubka la dhex-marin, iyada oo aan Shaqo ku jirin,waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadka hubka sharci darrada ah ku qaadata Gudaha Magaalada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waraysi Xiiso Leh:- Siyaasi Bakayle Oo Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliland

Bnn Staff

Maxamed Kaahin Iyo Hogaamiye Xirsi Oo Isku Weeraray Xil Wareejinta Taliyaha Ciidama Booliska

Bnnstaff

Qoysas Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Godoomiyaha Gobolka Iyo Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal Fariin Culusna Diray

Bnn Staff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy