Qatar Oo Somalia Udhistay Machadkii Dibulumaasiyadda Iyo Safiirka Imaaraadka Oo Lama Filaan Ku yimid Muqdisho !

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furay machadka diblamaasiyadda Qaranka oo hoos taga wasaaradda arrimaha dibadda, kaasi oo lagu sameeyay dib-u-dhis ballaadhan.
Munaasibad lagu qabtay xarunta machadka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo iyo safiirro ka socda waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya, Waxaana Wasiirka Arimaha Dibadda DFS Axmed Ciise Cawad uu dowladda Qatar iyo sanduuqa horumarinta Qatar uga mahad celiyay taageeradooda mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dib-u-dhiska Machadka qaranka.
Dhinaca kale waxaa munaasibadan kasoo Muuqday Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa muddo aan lagu Arkin saaxadda siyaasadda Soomaaliya,
Munsaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza, waxaana yaab lahaa in safiirka Imaaraadka uu ka qeyb-galo mashruuc Horumarineed oo ay Hirgelisay Dawladda Qatar.
Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa ka wareegtay Muqdisho islamarkaana saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi, wixii ka dambeeyey bishii April 2018 markaasi oo xidhiidhka labada dal uu aad u xumaaday.
Imaaraadka Carabta ayaa horay u joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, Tan iyo wakhtigaas ma jirin wax xidhiidh muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka
Machadka diblamaasiyadda Soomaalya oo la aasaasay December 3, 1986 ayaan shaqeyn wixii ka dambeeyay 1991 oo aheyd xilligii ay buburtay dowladdii dhexe ee dalka, waxaana dib u howl gelintiisu ay qayb ka tahay halbeegyada tubta siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta diblamaasiyadda dalka.

Related posts

Qaramada Midoobay Gargaar Gaadhsiisay Shacabka Ay Fatahaaduhu Saameeyeen Ee Magaalada Baladwayn

Bnnstaff

Maxamed Kaahin Iyo Hogaamiye Xirsi Oo Isku Weeraray Xil Wareejinta Taliyaha Ciidama Booliska

Bnnstaff

Maxaa Ka Dhalan Karan Khilaafka Siyaasadeed Oo Ka Jiran Somaliland Iyo Mudo Kordhinta Golayaasha

Bnn Staff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy