Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaanka Tooratoorow

Ciidamada dawladdda Soomaaliya ayaa la sheegay inay saaka qabsadeen degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose,halkaas o ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qabsashada Tooratoorow oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Beel Ka Mid Ah Beelaha Dega Galmudug Oo Eedaymo Culus U jeedisay Dowlada Fadaraalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Ma Jirto Xasaanada Gaara Oo Dastuurku Siiyay Xisbiyada Ee Waxay La Simanyihiin Muwaadiniinta” Garyaqaan Naasir

Mustafehaji

Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Fariin U Dirtay Dadka Wadooyinka Iyo Meherada Laga Samaystay Wadooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More