Dhinacyada Isku Haya Dagaalka Libya Oo Ka Baxay Xabad Joojintii Ay Ruushka Iyo Turkigu Ka Soo shaqeeyeen

Dhinacyada isku haya dagaalka dalka Libya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabad joojin ay garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka, saacado un kadib markii ay dhaqan gashay.

Xabad joojinta burburtay ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Dowladda Libya ay cadaadis kala kulantay dalalka Ruushka iyo Turkiga, si ay u aqbasho.

Dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay iyo jabhadda uu hogaamiyo Jeneraal Khalifar Haftar ayaa sheegay in dagaal uu ka bilawday meel aan ka fogeyn caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Dowladda Turkiga ayaa toddobadkii lasoo dhaafay ciidamo u dirtay dalkaas, si ay gacan u siiyaan Dowladda.

Jeneraal Haftar ayaa waxaa uu taageero ka heystaa dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraatka iyo Urdun, taas oo keentay in dalka shidaalka leh ee Libya uu noqdo goob horleh oo ay ku dagaalamaan dhinacyada isku haya bariga dhexe, ayna noqoto Suuriyada labaad.

Sido kale dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay ee Libya ayaa taageero ka heysata dalalka Qatar iyo Turkiga.

Xilli xiisad ay ka taagan tahay dalkaas ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas iyo qulqulka muhaajiriinta uu xoogeystay, waxay arrintaas walaac ku keentay dalalk Yurub oo ay dalka Libya wadaagaan xuduud dhanka badda Mediterranean-ka.

Dalka Libya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mudada dheer kasoo talinayay dalkaas ee Muammar Gaddafi.
Ciidamada Qaranka ee dalka Libya ee daacadda u ah Jeneraal Haftar waxaa ay maamulaan inta badan bariga dalkaas. Waxaa ay duulaan ka dhan Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli bilaabeen sanadkii 2019-ka, inkastoo aysan ku guuleysani in ay la wareegaan caasimadda haddana waxaala sheegaa in ay gacanta ku hayaan inta badan dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga iyo dhiggiisa Ruushka ayaa ku baaqay xabad-joojin, kadib markii ay ku kulmeen magaalada Istanbul.

Maxay dhinacyada ku doodayaan?

Al-Mabrouk al-Gazawi oo katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in maleeshiyaadka Haftar ay jabiyeen xabad-joojinta, wuxuuna intaa raaciyay in ay adeegsadeen hub noocyo kala duwan.

Wakaaladda wararkaee Reuters ayaa kusoo warrantay in maalintii axadda dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo badan oo duleedka caasimadda.

Dowladda Libya ayaa markii hore diiday in ay aqbasho xabad joojinta, inkastoo markii dambe ay dib ka aqbashay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxaa Hortaagan Fulinta Xukunka Dilka Ah Ee Lagu Riday Ragii Dilay Marxuumad Caasha Ilyaas

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Xadhig Iyo Ganawx Lacageed Duldhigtay Wariye Reer Ceerigaabo Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Hargeysa Oo Ka Dareen Celiyay Kulankii Shalay Ee Xisbiyad Iyo Xukuumada Ee Fashilka Ku Soo Dhamaaday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More