Ciidamada Amaanka Ee Muqdisho Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Hub Tiro Badan

Xog ay heleen Qaybo Ka Mid warbaahinta magaalalda Muqdisho ayaa sheegaysa in ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ay habeen hore hub farabadan ay ka soo bixiyeen Guri ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir, kaas oo ku yaala meel muhiim ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gurigan ayaa ku yaalla ka soo horjeedka Xerada ciidamada Cirka ee Afisyooni waxaana Albaabka Xerada iyo guriga hubka laga soo saaray u dhaxeeya oo kaliya laamiga ay gaadiidka maraan.

Qolka hubka laga soo saaray oo ah albaab banaan ah ayaa u kireysnaa dhallinyaro kuwaas oo la sheegay in ay guriga ka maqnaayeen xiliga howgalka, waxa uuna hubka isugu jiraa qoryo fudud, bambooyin iyo qalab kale oo dagaal, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka qaarkood.

Xerada afisyooni oo ah goob muhiim ah ayaa laheyn ilaalo habeenkii ah wixii ka dambeeyo 9-ka habeenimo, waxaana la xiraa albaabka xerada wixii xiligaas ka dambeeyo, saraakiil la hadlay Caasimada Online.

Ma jirto ilaa hadda cid faah faahisay arrintaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxaa habeenadii la soo dhaafay ka socday Muqdisho howgalo baaritaano ah oo ay sameeyaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka tirsan hay’adaha amaanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaraxyo Ka Dhacay Caasimad Iraan Basaas Reer Masar Ah Oo Lagu Qabtay Jarmalka Iyo Qodobo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wasiirada Suudaan Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yaashay Kulankii Qarsoodiga Ahaa Ee Hogaamiyaha Suudaan Iyo Raysal Wasaaraha Yuhuuda

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Magaalada Qardho Oo Ay Daada Ku Soo Rogmadeen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More