Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xeerka Saxaafada Somaliya

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha Kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaalada 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maamulka Puntland Oo Maanta Dhaqaln Galinaya Go’aamadii Ay Soo Saareen Ee Qaadka Lagu Joojinayay

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaaliya Oo La Sheegay Inay Gaartey Heerkii Heynta Looga Cafin Lahaa

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Waraabe Oo Ka Hadlay Diidmada Baarlamaanka Ee Xubnaha Koomishanka Iyo Dayn Cafinta Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More