Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta Oo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku Shaandheyn uu ku sameeyay Golihiisa wasiirada isagoo wasiirada qaar xilalka u kala badalay.

Isku shaandheynta ayaa saameysay wasiiro caan ah oo muddo ka dhex muuqday golaha wasiirada Kenya.

Wasiirkii arrimaha dibadda Monica Juma oo si weyn uga dhex muuqatay kiiska badda ee Somalia iyo Kenya ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaashaandhigga halka wasiirkii gaashaadhigga Raychelle Omamo iyana loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda

Madaxweyne Kenyatta ayaa saluugsanaa muddoba qaabka ay Monica Juma u wajaheyso kiiska badda isagoo dhowr mar ku sigtay inuu xilka ka qaado sida ay qoreen warbaahinta kenya qaarkood

Sicily Kariuki oo horay u ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa loo magacaabay wasiirka biyaha halka Simon Chelugui oo horay u ahaa wasiirka biyaha loo magacaabay wasiirka shaqaalaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

iiraan:- Maraykanku Qalad Wayn Ayuu Galay Waanan Ka Jawaabaynaa

Mustafehaji

Dani Oo Sheegay In Danahooga Gaarka Ka Wada Hadleen Ahmed Madoobe Oo Yimid Puntland

Mustafehaji

In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Dhaawacmay Qarax Lagu Weeraray Guri Ku Yaalla Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More