Mucaaradka Dalka Liibiya Oo Digniin Culus Udiray Diyaaradaha Rayidka Ah

Xoogagga fallaagada dalka Liibiya ayaa ku hanjabay in ay gantaallo ku garaaci doonaan diyaaradaha rayidka ee dul maraya caasimadda Tripoli, taa oo ay ku tilmaameen in ay tahay aag diyaaradaha ka caaggan ama aan la geli karin.

Garoonka diyaaradaha ee Mitiga oo ah midka kaliya ee hadda shaqeya ayaa arbacadii la soo dhaafay la xiray ka dib markii gantaallo lagu soo riday.

Balse dowladda midnimada qaran ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in haatan garoonkaasi dib loo furay.

Garoonkaasi Mitiga ayaa dhawr jeer duqeymo lala beegsaday tan iyo markii ciidamada Janaraal Xaftar ay billaabeen duullaanka ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gacan ku haynta caasimadda Tripoli.

Warbixin qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ayay dowladda caalamku aqoonsan yahay ku sheegtay in muhiimadda koowaad ay tahay sidii dib loogu furi lahaa garoonkaasi Mitiga.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Sexeexday Heshiis Mamnuucaya Faa’iidada Gantaalada Balaastikada

Bnnstaff Bnnstaff

Coronavirus Oo Ku Soo Laba Kacleeyay Dalka Shiinaha Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Duleedka Dhuusamareeb Iyo Dhimasha Iyo Dhaawac Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More