Madaxwayne Farmaajo Oo Mar Kale U Ambabaxay Asmara Iyo Madaxtooyada Oo War Ka Soo Saartay Safarka Madaxwaynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo.

Related posts

Fanaanada Nimco Yaasiin Oo Magacii Laga Bedelay Loona Bixiyay Magac Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaalida Sweden Oo U Badatay Dhimashada Corona Virus iyo Qaylo Dhaan Ka Imaneysa Ururka Dhakhaatiirta Soomaalida

Mustafehaji

DEG DEG:- Wasiirkii Amniga Jubland Oo Xabsiga Ka Baxsaday Iyo Talista Booliska Oo War Ka Soo Saaray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More