Wasiir Janan Oo Beeniyay In Uu Ku Sugayahay Magaalada Mandheera Ee Dalka Kenya

Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay inuusan ku sugneyn magaalada Mandera balse uu joogo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Gobolka Mandera ay ugu baaqeen dawladda Kenya inay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in xasiloonidii iyo kala dambeyntii in uu kusoo celiyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ay dhawaan Ciidamo farabadan geystay Doadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Israsaasayn Xoogan Oo Ka Dhacday Caasimada Masar Iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Dalka iiraan Oo Gadooday Codsadeyna Inay Iscasilaan Madaxda Ugu Saraysa Ee Dalkaasi

Mustafehaji

“Salaadiintu Dadkay Ka Mid Yihiin Ee Madaxwayne Talo Keen ” Siyaasi Xasan Guure

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More