Dowlada Shaacisay In Ay Bixinayso Qayb Ka Mid Ah Daynta Lagu Leeyahay Somaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhawaan kulan gaar ah magaalada Addis ababa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta Bulshadda ee Dalka Canada Axmed Xuseen,iyaga oo ka wada hadley iskaashiga Dowladaha Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay bixin-doonto 8.1 Milyan oo qeyb ka noqon doonta deymaha laga cafiyay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dib ay u bilaaban doonaan socdaalkii Dalalka Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir difaaca ee dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Canada garab istaagga ay Soomaaliya u muujisay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaa dadaal ku aadan sidii Soomaaliya deymaha lagu leeyahay looga cafin lahaa,waxaana jira dalal dhowr ah oo horey u balan qaadey inay deymaha qaarkood ka bixin doonaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Saamaynta Lama Ilaawaanka Ah Ee Ka Dhalatay Colaadii Ceel Afwayn Iyo Waraysi Yaableh

Bnnstaff Bnnstaff

Haweenay U Qaailsanayd Alshabaab Ururinta Cashuurta Gobolka Banaadir Oo Gacanta Lagu Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Turkiga Oo Digniin U Diray Xoogaga Bishaar Al Asad Iyo Xulafadiisa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More