Qaramada Midoobay Oo Soo Saaray warbizin Ay Si Wayn Uga Cadhootay Yuhuudu

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo saaray warbixin in muddo ah laga dhuursugayay oo ku saabsan shirkadaha lala xiriiriyay deegaameynta dadka Yuhuudda ah ay Israa’iil ka waddo Daanta galbeed.

Warbixinta waxay shaaca ka qaaday ilaa 112 shirkadooda oo la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha deegaameynta, haddii ay ahaan laheyd guryaha Israa’iil ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo howlaha kale ee lagu duminayo dhismooyin ku yaal halkaas.

Waxaan shirkadahaas kamid ah Airbnb, Booking.com, Expedia Group iyo Motorola Solutions.

Falastiiniyiinta waxay soo dhaweeyeen warbixinta Qaramada Midoobey oo ay ku tilmaameen ‘Warbixinta waxay guul u tahay shuruucda caalamiga ah’ halka Israa’iil ay ku tilmaantay ‘mid fadeexo ah’

Ku dhawaad 600,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa ku nool ilaa 140 deegaan oo ay Israa’iil ka sameysay dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Quddus tan iyo sannadkii 1967-kii.

Waxaana deegaameyntaas lagu sheegay mid sharci darro, sida ku xusan xeerarka caalamka, inkasta oo ay Israa’iil dood ka keentay arrintaas.

Falastiiniyiinta waxay in muddo ah ku baaqayeen in dhulkaas laga saaro Israa’iil.

Related posts

Haweenay U Qaailsanayd Alshabaab Ururinta Cashuurta Gobolka Banaadir Oo Gacanta Lagu Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Booliska Wajaale Xabsiga U Taxaabay 19 Qof Oo Gacansato Ah Iyo Sobobta Loo Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More