Qarax Ka Dhacay Dhuusamareeb Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qaraxaasi

Ilaa Saddex ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qarax bam oo Maanta ka dhacay goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku dhow Maxkamadda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qaraxa ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa miinada nooca dhulka la geliyo,iyada oo goobta uu qaraxa ka dhacay Jaad ( qaad) lagu iibiyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ay sameeyeen howlgallo kala duwan,isla markaana ay xiraan hal Ruux oo laga shakiyey.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ay geysay dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlusunna oo dowladda Soomaaliya ku khilaafsan doorashadii ka dhacday Magaaladaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Dheeg Oo Baaq U Diray Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Oo Daah Furay Xarun Lagu Samayn Doono Filimada Oo Laga Hirgaliyay Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More