Wafti Ka Socda Dawlada Somaliya Oo Shir Kagaga Qayb Galaya Dalka Uganda

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika oo ay soo qabanqaabisay ARLAC,kaas oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Waxaa uu Wasiirka Shirkaasi ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadday dadaallada Shaqada lagu abuurayo iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu yiri “ Waa inaan mudnaanta koowaad siinnaa taakuleynta dadka faqriga la ildaran, anagoo garowsan ahmiyada ay u leedahay taagerada noocan ah nabadda, hodantinimada dhaqaale iyo karaamada aadanaha- Waxaan dhowaan dhaqan galiney Nidaamka daryeelka Bulshada haddana waxaan ku jirnaa wajigii ugu horreeyay ee hirgelintiisa.”

Wasiir Sadiiq ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee ka qyeb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muwaadin Soomaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Africa Lana Booday Hantidiisii

Bnnstaff Bnnstaff

Shuban Biyood Ku Fidaya Baladweyn iyo Xaalada Oo Laga Dayrinayo

Mustafehaji

Al Shabaab Oo Weerar Culus Ku Qaaday Magaalada Marka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More