Deg Deg:- Ahlu Suna Oo Shaacisay In Ay Ciidamada Dowlada Ku Wareejisay Hobkoodii Iyo Ciidamadeedii

_

Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir , Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed.

Taliyaha Guutadda 15-aad Gen Mascuud Maxamed ayaa gacanta ku haya Madaxda Ahlusunna ka dib markii ay isku dhiibeen.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Masuuliyadii Amnigooda , tii Magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyada Hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay Ku wareejiyeen General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad horayna u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamada.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa wadda dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu kulansiiyo Madaxweyne Qoor Qoor iyo Hoggaanka Ahlusunna.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xarunta INJ ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Madaxda Ururka Ahlusunna.

Xaaladda Magaalada ayaa ah Mid degan, inkastoo ay jiraan cabsi ku aadan Kacdoon dadweyne oo laga cabsi qabo.

Xafiisk Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheekh Jaamac Wadaad Oo Sheegay In Cudurka Coronavirus Uu Yahay Ciqaab Ka Dhalatay Dhibaatadii Uu Shiinuhu Ku Hayay Muslimiinta Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Ka Hadlay Khaliif Hadheeyay Maayirka Iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Amaro Duldhigay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More