“Seyga Cusub ee ilhaan Cumar Wuxuu Qaatay Diinta Islaamka” Afhayeen u hadlay Ilhan Cumar

-

Waxaa maalma kahor dalka Mareykanka ku aqal gashay xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota.

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,”

Afhayeen u hadlay Ilhan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Tim Mynett uu qaatay diinta Islaamka.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in ay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhan na uu qaatay diinta Islaamka”, ayuu yiri Jeremy oo la hadlay BBC-da.

Jeremy ayaa ka gaabsaday in uu BBC-da la wadaago haddii uu jiro magaca uu la baxay seyga cusub ee Ilhan Cumar iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka.

Xidhiidhka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin. Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.

Related posts

Shiinaha Dadka Ka Buufinaya Coronavjres Iyo Drones Dadka Lagu Wacyi Galinayo

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Jira In Baanka Dhexe Ee Dalka Itoobiya Uu Xaran Ka Furanayo Magaalada Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

“Xidhiidhka Ka Dhexeeya Somalida Iyo Itoobiyaanka Waa Xidhiidh Colaadeed Oo Kaliya” Prof Maxamed Xaaji Ingiriis

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More