Abiy Ahmed Oo Ku Dhawaaqay In La Xidhayo Dhamaan Xuduudaha Laga Soo Galo Dalka Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la xiray xuduudaha Itoobiya la wadaagto dalalka deriska la’ah gaar ahaan kuwa dadka kasoo gala.

Sababta loo xirayo xuduudaha Itoobiya la wadaagto dalalka dariska ayuu sheegay inay tahay in la xakameeyo faafida Cudurka Coronavirus, waxaana Itoobiya ay Cudurkaas u qoondeysay lacag dhan 5 Bilyan oo Birr.
Dhinaca kale dadka Itoobiya uga imaanaya dalalka kale ayaa waxaa lagu wargeliyay in la karantiili doono muddo 15-maalmood ah, isla markaana ay joogi doonaan skylight hotel iyo Ghiyon hotel.

Dalka Itoobiya ayaa la helay dhowr ah oo uu ku dhacay Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilayo goob gooni ah, waxaana Itoobiya shalay ay deeq Caafimaad ka heshay dowlaha Shiinaha, waxaana kamid ah qalabka looga hortego Coronavirus.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

10ka Passport Ee Ugu Awooda Badan Dunida Iyo Dalalka Ugu Awooda Badan Dunida Oo Aan Ka Soo Muuqan

Bnnstaff Bnnstaff

Muxuu Sharcigu Ka Qabaa Gaadiidka Lagu Soo Qaadka Ee Ay La Wareegeen Ciidanka Boolisku

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Lagu Eedeeyay In Uu Sii Hurinayo Colaada Gobolka Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More