Telesom oo xal u keentay hakadkii waxbarasho ee uu Sababey Xanuunka Coronavirus

-

Shirkadda Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub loogu
magac darey TABSERA, kaasi oo ay goobaha waxbarashadu si toos ah uga gudbin karaan
casharadda qaab online ah.

Nidaamkan waxbarasho ee Tabsera ayaa lagu soo bandhigey xarunta shirkadda Telesom ee
Shacabka, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, wasiirka
Waxbarashada, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, boodhka iyo guddoomiyaha
shirkadda Telesom, masuuliyiin ka socday Jaamacadaha: Hargeysa iyo Camuud, Machadka
Tababaradda Shaqaalaha Dawladda, daladaha iyo maamulayaasha dugsiyadda gaarka loo
leeyahay.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadlay xafladda ayaa
sheegay in adeegan cusub ee TABSERA uu dabooli doono baahida waxbarasho ee uu
hakadka galiyey ka feejignaanta xanuunka Coronavirus. Guddoomiyaha Shirkadda Telesom
Md. Cabdikariin ayaa sidoo sheegay inay tahay maalin taariikhiya oo adeegani saameyn
weyn ku yeelan doono mustaqbalka waxbarashada dalka.

“Wargeyska the Guardian ayaa qortay in 850 milyan oo arday ay hadda iskuulada dibadda
ka joogaan. Waxaynu halkan u joognaa siday bay ardeydeenu waxbarashada u sii wadan
karaan”, ayuu yidhi Md. Cabdirkariin Maxamed Iid.

Md. Cabdikariin ayaa yidhi, “Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee tiknoolaji ah
ama kaabo dhaqaale ah ee anaga dhinacayaga nagu xidhan, intaanu gacan ka geysan karno
ka geysano, insha Allaah”.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Md. Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi ayaa
shirkadda Telesom uga mahadnaqay nidaamka Waxbarashada Online ah ee Tabsera, isagoo
ka hadlay faa’iidada uu leeyahay. Waxaanu yidhi, “Waxaan ku hambalyeynayaa shirkadda
Telesom inay inoo soo bandhigtay system-kam. E-learning-ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin
badan oo ay ka mid tahay in ardeygu wixii loo duubay inuu dib u akhriyo ama u dheysto”.
Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa si
weyn u soo dhaweeyey nidaamka Waxbarashada TABSERA waxanu sheegay inuu wax
weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada Somaliland, “Arintan aynu maanta iskugu
nimid aniga dhawr meelood ayey farxad iiga tahay, ta koowaad, barnaamijkani waa mid
waxbarashadda wax ka tarayaa, mar labaad waxaan ka tirsanahay guddidii madaxweynuhu
magacaabay ee u toog-heynta xanuunka hadda yimid, oo markaa sii wadista warbarashada
wax ka tarayaa”, ayuu yidhi wasiirku.
Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Machadka Tababaradda
Shaqaalah Dawladda ee CSI ayaa sheegay inay ka faa’iidan doonaan hanaankan
waxbarashada Online ah ee TABSERA.

Guddoomiyaha dugsiyadda Al-daareyn Sheekh Maxamed Sheekh Dalmar oo door weyn ka
soo qaatay, fikraddo bandanna ku soo kordhiyey hanaankan warbarashada online-ka ah ee
TABSERA oo ka hadlay xafladda ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey hirgalinta adeegan
waxbarasho, isaga oo sheegay inay ka wadda shaqeyn doonaan dugsiyada waxbarasho iyo
shirkaddu sidii loo sii horumarin lahaa.

Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay
munaasibadda daah-furka ayaa waxa uu yidhi, “Barnaamijkan waxaa la yidhaahdaa
TABSERA. Tabsera waa kalmad Quraan ah. Magacaa aad baan u bogaadinayaa ciddii
bixisay, khayr Allaha ha siiyo. Waa magac aad u qiimo badan Tabsera. Aduunyadda hal-
abuurka iyo ibdaaca iyo in mashaakilaadka xal loo helaa waa waxa ummaduhu isku
dhaafaan”.

TABSERA waa tiknoolajiyad ay isticmaali doonaan dhammaan goobaha waxbarashada
iyagoo adeegsana macalimiintooda iyo manaahijtooda, TABSERA waxaa si wadda jira ah u
isticmaalaya macalinka, ardeyga iyo waalidka. Sidoo kale waxaa uu leeyahay sabuurad
digital ah oo leh dhamaan agabta wax lagu qoro iyo kuwa wax lagu sawiro. Sdioo kale
waxaa si toosa u wadda xidhiidhi kara ardeyga iyo macalinka.

Related posts

Gabadh Soomaaliyeed Oo Xil Wasiirnimo Looga Magacaabay Dowlda Fadaraalka Ee Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

“Beesha Dhexe Somaliland Waxay U Haysata Wax Iyagu Keligood Leeyihin, Loomana Dulqadan Karo” Siyaasi Banbaane Oo Afka Furtay

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Booliska Kenya Ka Dalbaday In Ayna Dhibaatayn Dhalinta Mucashaqiinta Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More