Cudur Kale Oo La Sheegay In Uu Ka Dilaacay Shiinaha Xili Ay Dunidu U Maaro La’dahay Coronavirus

Hantavirus oo Ah Virus Kale oo Ka Dilaacay Wadanka Shiinaha Ayaa Waxa U Dhintay Hal Nin Sida Ay Qortay Majalada ‘International Times’ ee Shiinaha, ninka ka oo Ka soo jeeda gobolka Yunnan ayaa u dhintay virus-ka isaga oo ka soo laabanaaya shaqo U Ka Hayey gobolka Shandong. 32 qof oo kale, oo saarnaa baska uu ninku Ku Safrayey Kuna Dul Dhintay , ayaa sidoo kale laga baadhay fayraska.

Marka loo eego macluumaadka laga heli karo websaydhka rasmiga ah ee Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (CDC), Hantaviruses waa qoys faayras ah oo inta badan Ka Timaada Xawaanka Jiirka

waxayna sababi karaan cuduro kala duwan
Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaasha iyo xogta laga heli karo bogga furan ee Cudurada , astaamaha hore ee Hantavirus waxaa ka mid ah daal, qandho murqo xanuun bowyo Xanuun , misko Xanuun , dhabar Xanuun, iyo mararka qaarkood garbaha.

Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara madax xanuun, wareer, dhaxan, iyo dhibaatooyinka caloosha, sida lallabbo, matag, shuban, iyo calool xanuun – .

Hantavirus, oo Marka ugu horeysa Laga Qaado Taabashada jiirka ku dhex jira beeraha, kaymaha ama cunista cunto Jiir Ku Kaajay waxay noqon kartaa mid dilaa ah. oo Dili Karta Dadka 38% Tiradaas oo Ka Badan Mida Coronavirus Dilo Dadka

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Kenya Oo Safaarada Somaliya Ee Nairobi U Gudbisay Waraaqad Cabasho Ah Iyo Qodobo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Banaanbax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Waxyaabaha Lagaga Cabanayo Banaanbaxaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Shaaciyay In Uu Kenya Ku Dilay Sargaal Ka Tirsan Ururuka Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More