Maydadka Tahriibayaal Tiro Badan Oo Laga Dhex Helay Gaadhi Xamuul Ah Iyo Dalka Ay Ka Soo Jeedaan Oo La Shaaciyay

Ugu yaraan 64 qof Itoobiyaan oo la rumeysan yahay inuu naqaska ku dhegay ayaa meydadkooda laga dhex helay baabuur xamuul ah xilli ay ka taallabayeen xadka Malawi uu la wadaago Mozambique, sida ay sheegeen saraakiisha.

Waxaa sidoo kale gudaha baabuurka laga helay 14 qof oo badqabta xilli subaxnimadii saaka aheyd baabuurka lagu qabtay gobolka Tete ee Mozambique.

Saraakiisha socdaalka ayaa baabuurka ku qabtay magaalada Moatize, sida laga soo xigtay agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka, Carla Mosse.

Waxay sheegtay inay baarayaan sababta ka dambeysay dhacdada balse ay u muuqato in hawo laa’nta ka jirtay gudaha baabuurka ay sababtay dhimashada.

Amélia Direiro,oo ah afahayeen u hadashay waaxda socdaalka ee gobolka ayaa sheegtay in darawalka baabuurka uu ka dhaga adkeystay inuu joojiyo.

Waxay sheegtay in saraakiisha socdaalka ay maqleen qeylo iyo sawaxan ka imaanayay gudaha gaariga isla markaana ay ka shakiyeen inuu waday tahriibayaal.

Deegaanka waxaa inta badan sii maraa tahriibayaasha doonaya inay u sii gudbaan dhinaca Koonfur Afrika.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DHAGEYSO: Sarkaal Ajaanib Ah Oo Ka Soo Goostay Al-Shabaab “Hoggaanka Shabaab iskuma dhaqaan shareecada “

Mustafehaji

Xoghaye Ku Xigeenka Wadani Oo Ka Hadlay Heshiiska Jabhada Caare Baaqna U Diray Shacabka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Hogaanka Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee Sonya Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More