Soomaalida Sweden Oo U Badatay Dhimashada Corona Virus iyo Qaylo Dhaan Ka Imaneysa Ururka Dhakhaatiirta Soomaalida

-

QAYLODHAAN KA IMANEYSA JAALIYADDA DHAQAATIIRTA SOOMAALI-
SWIIDHISHKA: “IN BADAN OO KA MID AH DADKA UGU DHINTAY CUDURKA
CORONAVIRUS GOBOLKA STOCKHOLM WAA SOOMAALI.

Ugu yaraan lix ka mid ah shan iyo tobanka qof ee la ogyahay ilaa hadda in ay u geeriyoodeen
cudurka Coronavirus (Covid-19) waxay ka soo jeedaan Soomaali.

-Markii uu cudurkani ku faafayey waddankan Sweden ma ay jirin warbixin af-soomaali ah oo
la baahiyay, inta badan dadkuna sidoodii caadiga ahayd bey iskaga noolaayeen. Sidaa waxa
tidhi Jihan Mohamed oo ka mid madaxda jaaliyadda oo u warrameysay barnaamijka Agenda
oo ka baxa telefishanka waddankan ee SVT.

-Inta badan dadkaasi waxay qabeen cudurro kale oo nugleeyay. Laakiin nin da`diisu tahay 60-
aad oo shalay dhintay, ayaa u muuqday mid caafimaad qaba, inkastoo aynaan garaneynin
taariikhda caafimaadkiisa. Dad badan bey shook ku noqotay markii ay maqleen in uu
dhintay, ayey tidhi dhaqtaradda Jihan Mohamed.
In badan baa deggan guryo cidhiidhi ah

Sida ay sheegtay Drs Jihan shan ka mid ah lixda soomaalida ah ee u dhintay cudurkani, waxay
degganaayeen degaanka Jårva oo ka kooban xaafadaha Kista/Rinkeby iyo Spånga/Tenesta,
halka qofka lixaadina degganaa degmada Järfälla. Oo Gabi ahaanba Soomaalidu U Badanyihiin

-Ma garanayo sababta ay eeryada Järva ugu badan tahay u dhimashada cudurka Covid-19,
laakiin dadka deggan xaafadahaas ayaa badankoodu ku nool guryo cidhiidhi ah. Dhawr jiil
ayaa ku wada noolaan kara hal guri (apartment), taas oo door ka ciyaari karta. Isla markaa
waan ognahay in uu liito caafimaadka guud ee xaafadaha faquuqan, sida Järva oo kale, ayey
tidhi Jihan Mohamed oo iyaduba ku soo kortay degaankaas.
Dhinacyada dhaqankuna door bey ka ciyaari karaan

Waxay la tahay in xataa dhanka dhaqanku door ku yeeshay faafista cudurka.
-Dhaqanka soomaaliga waa muhiim in la israaco, la iscaawiyo oo la is booqdo, gaar ahaan
marka qof xanuunsado. Markii uu viruskani ku soo fidayey Sweden, ma jirin warbixin af-
soomaali ah, dadkuna caadigoodii bey isaga noolaayeen.

Sidaa darteed jaaliyadda dhaqaatiirta soomaali-swidhishka waxay iminka sii daayeen
warbixin ku saabsan Coronovirus-ka oo af-soomaali ah.

-Waxan warbixinta ku sheegnay in ay muhiim tahay in la kala durugsanaado marka bulshadu
kulanto iyo xataa marka qofku dareemo calaamadaha (symptom) in uu guriga joogo, ayey
tidhi Jihan Mohamed.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA SVT

https://www.svt.se/nyheter/inrikes/lakarforening-larmar-over-halften-av-de-doda-ar-svensksomalier

https://www.expressen.se/nyheter/minst-6-av-15-doda-stockholmare-var-svensksomalier/

Related posts

Fanaanka Caanka Ah Magaalada Muqdisho Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sobobta Loo Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

Muxuu Ka Dhiganyahay Warka Ay Haayada Sirdoonka Somaliya Ay Ka Soo Saareen Hogaanka Sare Ee Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

TALIYE FASHILEY SIR: ” Farmaajo iyo Fahad Yasiin Waan ka Diiday Lacag Inaan Qaato Milyan Dollar Ah .. +VIDEO

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More