Wasiirka Amniga Somaliya Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Ciidamo La Dul Dhigay Guriga Sheekh Shariif

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul-dhigtey Hoyga Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir Amniga oo la kulmey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo weerar ku ah Sheekh Shariif,isla markaana ay warkaasi wadaan dad u jeedo gaar ah leh oo fidno iyo colaad abuurayo sida uu hadalka u dhigey.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur ayuu yiri” Wasiirka Amniga.

Sidoo kale wasiir Ducaale waxaa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.

Hadalkaan beeninta ah ee kasoo yeeray Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa yimid,kadib markii Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Ciidamo dul-dhigey Hoyga Sheekh Shariif,isla markaana ay tahay dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg: Itoobiya Oo Kulan Siisayay Madaxwayne Farmaajo Iyo Muuse Biixi Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadlayaan

Bnnstaff Bnnstaff

Talyaaniga Oo Xaddidaado Adag Ku Soo Rogay Goobaha Lagu Arkay Caabuqaasi Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Isbitaalka Hargeysa Ku Booqday Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Xanuunsan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More