Ciidamada Gaarka Ah Ee Somali State Ee Liyuu Boolis Oo Dil ka Gaystay Xuduuda Somaliya Iyo Xiisad Taagan

Ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu-Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kana soo gudbay Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa deegaanno u dhaxeeya xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Itoobiya ku dilay 1-qof oo Shacab ah.

Qofka Shacabka ah ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Beeraleey,isla markaana xilliga la dilayay ku howllanaa tacbashada Beertiisa oo kutaala deegaanka Xuday-Woogle oo qiyaastii 35-dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne.

Goobjoogayaal ayaa waaxa ay sheegeen in Qofka Shacabka ah ee ciidanka liyuu Boolis ay dileen lagu Magacaabi jirey Shiiq doon Cilmi Ciyoow.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaasi,kadib uu dagaal tos ah dhex-marey dadka deegaanka iyo Ciidamada Liyuu-Boolis,waxaana ugu dambeyn ay Liyuu-Booliska dib ugu laabteen fariisimihii markii hore ay kasoo tageen.

Dadka kunool Deeganno dhaca Xuduudka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya ayaa Toddobaadyadii dambe cabasho xooggan ka muujiyay dhibaatooyin ay kala kulmeen.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowladda Soomaaliya ayaana inta badan ka hadlin dhibaatooyinka la sheegay in ciidanka liyuu Boolis ay ka geystaan Xadka dhinaca Gobolka Hiiraan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in xiisad maanta ay ka taagan tahay deegaanka uu dilka ka dhacay.

Xafiiska BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya War Ka Soo Saartay Duqayn Diyaaradeed Oo Laga Fuliyay Degmada Jilib

Bnnstaff Bnnstaff

Caronavirus Oo Saamayntii Ugu Waynayd Ku Yeeshay Nolasha Caadiga Ah Ee Bulshada Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Fanaanad Caan Ah Oo Qaadatay Diinta Islaamka Iyo Heesihii Oo Ay Quraanka Kariim Ka Ah Ku Bedeshay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More