Kenaya Oo ku Dhawaaqay In la Diiwaan-galiyay Kiisas Hor Leh Oo Corona-virus ah.

Waxaa kordhay kiisaska la xiriira cudurka Coronavirus ee laga diiwaan geliyey dalka Kenya, sida ay shaacisay dowladda.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in ilaa sagaal kiis oo hor leh oo cudurka Coronavirus ah la diiwaan-geliyey shalay, taasi oo tirada kiisaska dadka qaba xanuunkaasi ee dalkaasi Kenya ka dhigaysa ilaa 25.

Muwaadinka Soomaali Mareykanka ah oo 72-jir ah ayaa lagu qabtay Bar koontarool oo ku taalla inta u dhexeeysa Degmooyinka Lodwar iyo Kaakuma ee dalka Kenyan, waxaana looga shakiyay inuu qabo Cudurka halista ee Coronavirus.

Muwaadinka oo aan la shaacin magaciisa ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Degmada Kaakuuma ee dalka Kenya, waxaana lagu arkay qandho ah, isagoona ugu dambeyntii la karantiilay muddo 15-maalmood sida Madaxa Caafimaadka degmadaas u sheegay Standard Media.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale baaritaano ku wada dad boqolaal gaaraya oo looga shakisan yahay xanuunka, waxaana suurta-gal ah in tirada ay kororto.

Dhinaca kale, ragga Soomaalida ee Iskaabulada ah ee ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegaya inuu saameeyay go’aanadii ay dowladda Kenya dhowaan ku xidhay xarumihii makhaayadaha ee laga cuntayn jiray, tilaabadoosoo ay dowladdu ku doonayso in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Baaq U Diray Dowladda Fadaraalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Jilaaga Caanka Ah Ee Shirkadda fFlimada Bollywoodka Ee Sunny Deol, La Baafinayo Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Dirawal Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Banaanbax Ka Dhashay Dilkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More