Qarax Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Sobobay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku taalla meel ku dhow halka lagu magacaabo Baar Bulsho ee Nawaaxiga Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in qofka Is-miidaamiyay uu galay Maqaayada Baar Bulsho, kadibna uu is qarxiyay, waxaana halkaas ku geeriyooday saddex ruux oo shacab ahaa.
Sidoo kale Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka Baar-Bulsho, kuwaasi oo si Deg deg ah loogu qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray inta badan Waddooyinka soo gala halkaas oo ay ku taallo Bar Koontarool oo laga ilaaliyo Xarunta Madaxtoyadda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Maqaayada uu qaraxa ka dhacay ay inta badan fariisan jireen Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana haatan halkaas ku sugan Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Toos U Daawo Markab Siday Lix Kun Oo Qof Oo Lagu Xanibay Talyaaniga Loogana Shikiyay Cudurka Shiinaha Ka Dilaacay

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Dowlada Somaliya Ku Eedeeyay In Ahlu Suna Kula Dagaalantay Hubkii Loogu Talo Galay Dagaalka Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamad Ku Taala Koonfur Africa Oo Amartay In La Soo Xidho Madaxwaynihii Hore Ee Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More