Dowlada Kenya Oo Shaacisay Dhimashadii Ugu Horaysay Ee Coronavirus

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii Maarso.

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka.

Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30 kiis oo ah cudurka COVID-19

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay dowladda Kenya kula tacaalayso sidii au u xakamayn lahayd faafitaanka xanuunka Coronavirus kaasoo ilaa iyo hadda dadka laga helay gaaraya ilaa 30 qof.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Cilmi Baadhis Cusub Oo Horseedi Karta In Daawo Loo Helo Cudurka Kansarka Oo La Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwayne Farmaajo Waan U Hambalyaynayaa ” Suldaan Reer Hargeysa Ah Oo Soo DhaweeyaybRaali Galintii Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Cusub Oo Laga Dhisay Xaafada Ka Mid Ah Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More