Dowlada Turkiga Oo Shaacisay In Ay Dacwada Ku Soo Oogayso 20 Qof Oo Sucuudiyaan Ah

Turkiga ayaa 20 qof oo Sacuudiyaan ah, oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-Suge Mohmed Bin Salman, kusoo oogtay dacwado la xidhiidha dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida ay Arbacda sheegeen dacwad-oogayaasha dalkaas.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey taliye ku-xigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudiga Ahmed al-Assiri, iyo la-taliyihii hore ee dhanka warbaahinta ee Maxkamadda boqortooyada Saudi Al-Qahtani, inay hogaamiyeen howl-galkii lagu dilay Jamaal Khaashuqji, ayaga oo amraya kooxda dilka fulisay.

Khaashuqji, oo ahaa 59 jir wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay 2-dii October 2018, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, si uu uga soo qaato warqado uu u baahnaa, si uu u mehersado gacalisadiisa Turkish-ka ah Hatice Cengiz.

Turkey ayaa baadhitaan u gaar ah ku sameysay dilka, kadib markii ay ku qanci weyday sharaxaadaha ay bixisay Sacuudi Carabiya.

Xafiiska Dacwad-oogaha Istanbul ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Assiri iyo Qahtani lagu eedeeyey “inay billaabeen dilkii ula kaca ahaa ee argagaxa badnaa, ayaga oo horseeday rafaad.”

18 tuhamanayaal kale – oo ay ku jiraan Meher Mutreb oo ahaa sarkaal sirdoon oo si joogto ah ula safri jiray Mohamed Bin Salman, iyo khabiir saynis Salah Al-Tubaigy iyo Fahad Al-Balawi oo ka mid ah ilaalada boqortooyada – ayaa lagu eedeeyey “dilkan ula kaca ahaa ee arxanka darnaa.”

20-ka qof, ayaa haddii dambiyada lagu helo waxay wajahayaan xabsi daa’in.

Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa sheegay in maxkamadeynta raggan la furi doono ayaga oo maqanayaal ah, balse ma aysan shaacin waqtiga.

Dacwad-oogayaasha ayaa horey usoo saaran waaran lagu soo xidhayo eedeysanayaasha, oo aan ku sugneyn dalka Turkiga.

CIA-da, iyo Anges Callamard oo ah ergeyga gaarka ee QM u xil-saartay baadhitaanka dilka Khaashuqji, ayaa dilka si toos ah ula xidhiidhiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu si xooggan u beeniyey.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Arimada Dibada Somaliya Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Suudaan Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Ku Baaqday In La Midoobo Xili Ay Cambaarayn Culus Kala Kulmayso Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Sheegay In Ay Alshabaab Ka Taliso Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More