Hargeysa:- Milkiilaha Sky Hotel Oo La Xidhay Ka Dib Markii Uu Diiday In Dad Lagu Karaantiilo Hotelkiisa.

Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Axmed Odowaa Milkiilaha Huteelka Sky oo ku yaalla Xaafadda Maslaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa iyo Xaaskiisa Filsan oo lagu magacaabo Filsan.

Xariga Milkiilaha iyo Xaaskiisa ayaa yimid, ka dib markii ay diideen Codsi uga yimid Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Coronavirus ee Somaliland, kaasi oo ahaa in ay huteelkooda u ogolaadaan in lagu hayo qaar ka mid ah Dadka ka yimid dalka dibeddiisa ee Guddigu doonayso in muddo 14 Maalmood ah la karantiilo, si loo hubiyo inay qabaan Coronavirus.

Dadka la doonayey in lagu karantiilo Huteelka Sky ee ay diideen Mulkiilaha Huteelka iyo Xaaskiisa ayaa ahaa Dad diyaaradda Ethiopian Airlines ay Hargeysa keentay isla-markaana uu ku fulay amarkii Shalay ka soo baxay Guddiga u diyaar-garowga Coronavirus ee ahaa in la karantiilo dhammaan Dadka Rakaabka ah.

Xariggan labadan Qof ayaa yimid maalin ka dib markii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Hargaysa, Mr. Xamse Ciise uu Warbaahinta ka sheegay in uu indhihiisa ku arkay Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda oo Dad ka soo degay Diyaarad Itoobiya ka timid u raadinaya Guri ay u kireeyaan, si loogu karantiilo.

Somai

Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Guddiga u diyaar-garowga ka hor-tagga Caabuqa Coronavirus ayaa Shalay sheegay in la karantiilayo dhammaan Dadka Rakaabka ah ee la socda Diyaaradaha yimaadda Somaliland, laakiin marna ma sheegin Goobta lagu karantiilayo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Dhakhaatiir Ku Taliyay In Talaalka Coronavirus Lagu Tijaabiyo Qaarada Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliland Oo Soo Bandhigay Ciidamo La Sheegay In Ka Soo Goosteen Maamulka Puntland+ SAWIRO

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eedeeyo Musuqmaasuq Oo Lagu Eedeeyay Xukuumada Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More